Meydadka 5 Shabaab ah oo Lagu Soo Bandhigay Baydhaba

meydad shabab

Maamulka Gobolka Bay ayaa maanta magaalada Baydhaba ku soo bandhigay meydadka shan ruux oo ay sheegeen inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabab.

Raggan ayuu maamulku sheegay inay ku dileen howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Seydhelow oo ku yaalla duleedka magaalada Baydhaba.

Maamulka ayaa sidoo kale ku eedeeyey xubnaha ay dileen inay boobayeen dadka xoolo-dhaqatada ah ee ku nool deegaanka lagu dilay.

Wariyeheenna Maxamed Colaad Xasan ayaa arrintan ka wareystay wasiirka dhaqancelinta maleeshiyaadka ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Your browser doesn’t support HTML5

Xubno laga dilay Al-Shabaab