Muqdisho: Qarax ka Dhacay Xarunta UNDP

Xarunta UNDP ee Muqdisho (Sawir hore)

Afar ka tirsan shaqaalaha waardiyaha ah ee Soomaalida ah ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhaawacan tay qarax baabuur oo ka dhacay garaash ku dhex yaalla xarunta hay'adda UNDP ee magaalada Muqdisho maanta.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu saarnaa baabuur lasoo dhigay gudaha goobta baabuurta la dhigto ee xarunta UNDP, kaasi oo kadibna burburiyey baabuurka qaybtiisa hore.

Dhammaan afarta qof ee dhaawacantay ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin ilaalada gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee UNDP. Mid ka mid ah ayaa la sheegay inuu dhaawiciisu halis yahay.

Ciidamada amniga ayaa sheegay inay qabteen sagaal qof oo lala xiriirnayo qaraxa kuwaasi oo laga qabtay garaash la sheegay inuu horey u yaallay baabuurka qarxay.

Your browser doesn’t support HTML5

Qarax ka dhacay Muqdisho