Waqti loo Qabtay Doorashada Guddoonka Baarlamanka Soomaaliya

Xildhibaanada oo la dhaariyey

Gudiga Doorashada gudoonka Golaha shacabka ayaa soo saaray jadwalka doorashada gugdoonka golaha shacabka Soomaaliya.

Guddiga ayaa waxa ay sidoo kale waxa ay doorteen hogaan cusub.

Guddigan doorashada oo shalay ay doorteen xubnaha baarlamanka, kana kooban 15 xubnood ayaa sheegay in 11-ka bishan Janaayo 2017 la qabanayo doorashada guddoomiyaha golaha shacabka , halka ku xigeenadiisa koowaad iyo labaadna ay dhaceyso 12-ka bishan.

Wariyeheenna Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa arrintan ka wareystay Guddoomiyaha Guddiga qabanqaabada doorshadaa baarlamanka xildhibaan Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Cabdiraxmaan Bayle