Heritage oo Daraasad ka Sameysay Colaadda Gaalkacyo

Daraasad ay soo saartay hay’adda Cilmi baarista ee Heritage Somalia ayaa digniin ku bixisay inaan la dhayalsan xal u helidda colaadda soo noqnoqota ee ka oogneyd magaalada Gaalkacyo.

Hay’adda ayaa daraasaddeeda waxa ay tilmaantay in magaalada Gaalkacyo ay tahay magaalada keliya ee u kala qaybsan laba maamul oo kala duwan.

Hay’adda ayaa sheegtay in xal nabadeed oo laga gaaro colaadda Gaalkacyo uu ka qeyb ka noqon karo nabadda Soomaaliya.

Waxay sheegtay in haddii ay colaadda Gaalkacyo sii socoto ay horseed u noqon karto colaado kale oo ka dillaaca deegaanno kale oo uu is mari-waa ka taagan yahay.

Wariyeheenna Ridwaan Xaaji Cabdiwal, ayaa daraasadan ka wareystay, Mursal Maxamud Saneyoo aha gaasime ku xigeenka machadka Heritage.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Agaasime ku xigeneka Heritage