Heshiis la Dhex Dhigay Beelo ku Dagaalamay Hiiraan

Beledweyne

Mas’uuliyiinta dhaqanka ee Gobolka Hiiraan ayaa ku guulaystay inay ka miro-dhalaiyeen dadaal lagu heshiisiinayo laba beelood oo muddo dheer colaadi kasoo dhaxaysay kuwaasi oo wada dega Gobolka.

Hoggaamiyayaasha dhaqanka labada beelood ayaa si weyn usoo dhoweeyye heshiiska, mas’uuliyiinta gobolkuna waxay sheegeen inay meel uga soo wada jeedsan doonaan dhinacii ku xadgudba heshiiska.

Labadan beelood ayaa dagaalo soo noqnoqday oo dad badan ay ku dhinteen, qaar kalena ay ku dhaawacmeen waxa ay ku dhexmraeen gobolka Hiiraan.

Warbixintan waxaa Beledweyne nooga soo diray weriyahayaga Xuseen Xasan Dhaqane.

Your browser doesn’t support HTML5

Heshiis lagu gaaray Hiiraan