Buundada Luuq oo Dib loo Dhisayo

Gedo, Somalia

Mas’uuliyiinta magaalada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in deegaanka ay u suurto gashay inay dib u dhis ku samaynayaan buundada weyn ee magaalada Luuq oo halbowle u ah ganacsiga iyo isku socodka dadka.

Guddoomiyaha Luuq Maxamed Xuseen Cusmaan “Ganey” ayaa VOA u sheegay in dhererka buundada aya dib u dhiska ku wadaan ay tahay in ka badan 200 mitir.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay qurbajoogta deegaanka inay gacan ka siiyaan howsha dib u dhiska dalka. Waxaana uu u warramay weriyahayaga Nuur Bukhaari.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Guddoomiyaha Luuq