Madaxweynaha oo Shaaciyay Wakhtiga Baarlamanku Kulmayo

Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomalaia Xasan Sheekh Maxmauud ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay aqalka Madaxtooyada waxa uu kaga hadlay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in fadhiggii ugu horreeyey ee xildhibaanada cusub uu dhici doono 15-ka bishan, isaga oo ku baaqay in si deg deg ah loo soo dhameystiro diiwaangelinta xildhibaanada cusub.

Xoghayaha Baarlamanka Soomaaliya Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux ayaa maanta sheegay inay bilaabayaan diiwaangelinta xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee la soo doortay.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in guul ay tahay in doorashooyinkii Soomaaliya ka dhaceen si wanaagsan “ayad oo aan la isku dilin sida markii hore ay dad badan ka cabsi qabeen”

Warbixintan waxaa Muqdishu nooga soo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Your browser doesn’t support HTML5

Madaxweynaha oo shir jaraa'id qabtay