Muqdisho: Xildhibaano Hore oo Dib loo soo Doortay

Doorasho

Afar xildhibaan ayaa maanta lagu doortay magaalada Muqdisho ee caasimada, kuwaasi oo ka mida kuraasta aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ee beelaha Waqooyi.

Afarta xildhibaan ee la doortay ayaa dhamaantood ahaa xildhibaano ka tirsan baarlamaanka waqtiga ka dhamaaday, oo ku guuleystay in dib loo soo doorto.

Afarta xildhibaan ee maanta la doortay ayaa laba ka mid ah waxa ay ahaayeen.

Illaa iminka waxaa magaalada Muqdisho lagu doortay 19 xildhibaan oo ka mid ah kuraasta 46-ka ah ee la qoondeeyey in doorashadooda ay ka dhacdo magaalada muqdisho.

Wariyeheenna Muqdisho Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan goor dhow inoo soo diray.

Your browser doesn’t support HTML5

Afar xildhibaan oo lagu doortay Muqdisho