Puntland oo Ka Hadashay Howlgalka Ciidan ee Qandala

Mas’uuliyiinta maamul goboleedka Puntland ayaa markii ugu horraysay ka hadlay hawlgalka milatari ee ka dhanka ah maleeshiyada taabcsan ururka Daacish ee muddada 37-ka maalmood ah gacanta ku haysa magaalada Qandala ee gobolka Bari.

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) oo hoggaaminaya weerarka ku wajahan Qandala ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey VOA ku sheegay in saaka dagaal dhexmaray ciidamada maamulka iyo maleeshiyada Daacish ayna dileen 7 maleeshiyo ah.

Haaruun Macruuf ayuu ugu warramay khadka telefoonka isaga oo ku sugan meel 50 KM u jirta Qandala.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Howlgalka Qandala