Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay ka fiirsanayso doorka dawladda Turkigu ay ku leedahay wada-hadallada u dhaxeeyay Somaliland iyo Somalia.
Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar uu sheegay in muhiimadda dowladda Turkiga ay tahay wada-jirka iyo midnimada Soomaaliya.
Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland, ahna ku-simaha wasiirka Axmed Aadan Ismaaciil oo u waramay weriyaha VOA Barkhad Kaariye, ayaa hadalka safiirka ku tilmaamay mid khalkhal lagu gelinayo Somaliland.
Waxaanu intaa ku daray in ay qoraal ay arrintaasi xaqiijin kaga doonayaan ay u direen dawladda Turkiga.
Your browser doesn’t support HTML5
Somalia oo u jawaabtay Turkiga