Qandala oo Laga Qaxay

Guddoomiyihii hore ee Degmada Qandala Siciid Maxamed Waaberi oo haatanna ah xisaabiye ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa VOA u sheegay in guud ahaan shacabkii ku noolaa degmada Qandala inay ka qaxeen magaaladaas ka dib markii koox gacan-saar la leh ISIS ay qabsadeen Qandala.

Siciid oo ku sugan meel u jirta 20 KM degmada Qandala ayaa sheegay in sababaha ugu weyn ee dadku uga soo qaxeen magaalada ay tahay, cabsi ay ka qaadeen diyaarado magaalada dul heehaabaya iyo maraakiib dagaal oo ku soo dhowaaday xeebta.

Ismaaciil Xuseen Farjar ayuu u waramay.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso warbixinta Qandala