Falanqayn: Kooxda ISIS ee Qabsatay Qandala

Qandala, Somalia

Magaalada Qandala ee ka tirsan gobolka Bari ee Puntland waxaa qabsaday koox xidhiidh la leh ururka Daacish ee ka dagaalama Ciraaq iyo Syria, Kooxdan ayaa magaalada Haysata maalintii saddexaad.

Ciidamada Puntland ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay doonayaan inay dib ugu qabsadaan magaaladan oo saaran badda cas.

Haddaba maxaa xog laga hayaa kooxda ISIS ee gacanta ku dhigay Qandala? Maxayse tahay muhiimadda ay u qabsadeen magaaladan? Su'aalahaas iyo qaar kale waxaa falanqaynaya Col. Cabdi Xasan oo ku magac-dheer Cabdi Yare, Taliyihii hore ee Ciidanka Nabadsugidda Puntland ee PIA.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Falanqeynta Weerarka ISIS ee Qandala