Wariyihii Al-Jazeera oo Xabsiga Laga Sii Daayay

Xamza Maxamed

Telefiishanka Al-Jazeera ayaa xaqiijiyey in la sii daayey weriye u shaqaynayey oo lagu magacaabo Xamse Maxamed, dareewal iyo sawir-qaade isaga la socday oo ay ciidamada amnigu xidheen maalintii Talaadada.

Dawladda Soomaaliya ayaa shalay sheegtay in la qabtay weriyahaasi iyo labada kale ee la sooctay iyaga oo ka yimid dhul ay Al-Shabab gacanta ku hayso, hase yeeshee dawladdu ma sheegin wax dacwad gaar ah oo loo haysto.