Wariyeyaal lagu Xidhay Muqdisho

Dawladda Soomaaliya ayaa xidhay, 3 wariye oo la shaqeeya Tilifishanka Al-Jazeera.

Saddexda wariye ayaa la xidhay iyagoo ku soo laabtay magaalada Muqdisho xilli ay ka soo laabteen hawlo shaqo oo ay dibadda magaalada u tageen.

Xadhiga wariyayaashan ayaa ku soo beegmaya iyada oo dawladda Soomaaliya ay xabsiga kasii daysay tifaftirihii wargayska Xog-Ogaal oo muddo saddex maalmood ah u xirnaa dawladda. Sidoo kale waxa dawladdu ay maanta celisay qalabkii wargayska Xog-Ogaal.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhegayso: Warbixin ku saabsan wariyayaal lagu xidhay Muqdisho