Muqdisho: Wariye Ayaa Lasii Daayey Midkale Ayaase La Xiray

Xoghayaha guud ee ururka NUSOJ Maxamed Ibrahim Macallimu iyo Tifaftiraha Xog-ogaal Cabdi Adan Guled

Waxaa xalay fiidkii xorriyadiisa dib u helay tifaftiraha wargeyska Xog-ogaal ee kasoo baxa magaalada Muqdisho Cabdi Aadan Guuleed oo sadexdi cisho ee lasoo dhaafay u xirnaa ciidanka nabad sugida Qaranka Soomaaliyeed.

Wargeyska Xog-ogaal oo sina xirnaa ayaa lagu wadaa inuu saakay albaabada loo furo.
Dhinaca kalana isla xalay ayey ciidamada nabadsugida Soomaaliya xabsiga u taxaabeen Xamza Maxamed oo ka tirsan Telefashinka AL Jazeera qeybtiisa ku hadasho afka Ingiriisiga iyo sadex kale oo la shaqeyneysay saxafigaan.

Hadaba arrimahaan oo dhan waxaan ka wareysanay Xog-hayaha guud ee ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee loo soo gaabiyo (NUSOJ). Maxamed Ibrahim Nur (Macallimuu).

Wariyaheena Nur Hassan Nur oo wareystay Macallimuu ayaa ugu horeyn weydiiyey sii deynta tifaftiraha wargeyska Xog-ogaal.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso wareysiga xoghayaha Nusoj Mohamed Ibrahim Moallimu