Wacyi-gilinta Caafimaadka ee Soomaalida Minnesota

Hey'ada Briva

Hay'adda Caafimaadka Briva oo ah Hay'ad ka shaqeysa wacyingelinta caafimaadka bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota ayaa shalay magaalada Minneapolis ku qabatay siminaar la xiriira caafimaadka.

Tababaradan ayey hey'adu ku bareysaa qoysaska Soomaalida adeegsiga Kaararka caafimaadka ee dowladdu bixiso iyo habka ugu wanaagsan ee qofku ku xulan karo Caymis caafimaad oo baahidiisa daboola.

Siminaarka oo socon doona seddex todobaad ayaa Wariyaha VOA ee Minnesota Maxamuud Mascadde, waxa uu ka wareystay Hiba Ibraahim Guuleed Xoghayaha Wacyingelinta Arrimaha Bulshada ee Hay'adda Briva.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Wareysiga Siminaarka Briva