Fallanqeyn: Qaabka ay u Dhacayaan Doorashooyinka Somalia

Madasha

Ilaa iyo14 kun oo ergo ayaa lagu wadaa inay soo xulaan xubnaha baarlamaanka Soomaaliya inta u dhexeysa 23-ka October Illaa 10-ka November ee sannadkan.

Maamul goboleedyada ayaa soo gudbin doona xubnaha Aqalka Sare oo ka kooban 54 xubnood ugu dambeyn 10-ka bisha October, si ugu dambeyn 23-ka bisha November ay dhacdo doorashada Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka.

Hadaba maxey ka dhigantahay dib u dhaca doorashada?

Wariyeheenna Magaalada London ayaa arrintan wax ka weydiiyay Dr. Maxmed Xuseen Gaas oo xiriirka caalamiga ka dhiga Jaamacadda Norwegian University for Life Science.

Your browser doesn’t support HTML5

Fallanqeyn: Doorashooyinka Somalia