Laba ka mid ah booliska dalka Kenya ayaa la la’yahay ka dib markii maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen gelinkii hore ee maanta saldhig ay booliska Kenya ku leeyihiin meel ku dhow Liboy, xadka ay labada dal wadaagaan.
Maleeshiyada Al-Shabaab oo wata baabuur ayaa weeraray saldhigga iyagoo dagaal la galay askartii saldhigaasi ku sugneyd.
Wariyeheenna Nuur Xassan Nuur ayaa arrintan ka wareystay wariyaha VOA-da Waqooyiga Bari Kenya uga soo warrama Maxamed Faarax Shire.
Your browser doesn’t support HTML5
Al-Shabaab oo weeraray saldhig boolis