Shirkii IGAD ee Muqdisho oo lasoo Geba Gebeeyey

IGAD Mogadishu

Shir madaxeedkii urur goboleedka IGAD ee lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah loo soo geba geebeyey, waxaana laga soo saaray warmurtiyeeed dhowr qodob ka kooban.

Shirka maanta ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee Soomaaliya lagu qabto tan iyo sanaddii 1986-kii markaasi oo ururka la aasaasay.

Waxaa ka qeyb galay madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Xasan Sheekh iyo Uhurru Kenyatta iyo ra’iisul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn iyo wufuud kale oo ka socotay dalalka Jabuuti, Uganda, Sudan iyo Koonfur Sudan.

Sahra Cabdi Axmed ayaa warbixintan ka diyaarisay

Your browser doesn’t support HTML5

Shirka IGAD oo lasoo geba gebeeyey