Ku dhawaad 2 milyan oo Muslimiin ah oo ka kala tagay caalamka daafihiisa ayaa ku sugan magaalada Makka Al Mukarama ee dalka Sacuudiga, si ay u gutaan waajibaadka xajka sanadkaan.
Gudashada Xajka ayaa ka mid ah shanta tiir ee Islamka waxana laga doonayaa qof kasta oo muslim ah oo qaan gaar ah oo caafimaad qaba oo awooda inuu ugu yaraan mar noloshiisa ka mid ah soo gutto.
Waajibka Xajka ayaa si rasmi ah u bilowday maanta oo Sabti aheyd, iyadoo birrina ay xujaydu joogi doonaan banka Carrafa, halka Isnintana ay tahay maalinta ciida.
Warbixin ku saabsan Xajka iyo waxa uu uga dhiganyahay muslimiinta waxaa inoo hya Xuseen Barre Aaden.
Your browser doesn’t support HTML5