Dowladda oo ka Hadashay Sababta Loo Joojiyey Jaadka

Khat

Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday sababta loo joojiyey diyaaradihii jaadka ka keeni jiray dalka Kenya oo muddo laba malamood ah xayiran.

Safiirka Soomaaliya ee dalk Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa wareysi uu siiyey VOA ku sheegay in arrintan ay salka ku hayso safar uu dhowaan magaalada Hargeysa ku tagay guddoomiyaha gobolka Meru ee dalka Kenya Peter Munya.

Safiirka ayaa sheegay in markii guddoomiyaha uu halkaas tagay uu faraha la galay arrimaha siyaasadda gudaha ee dalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay inay dowladda Kenya kala hadleen arirntan balse markii ay waxba ka qaban weysay ay arrintan ku dhaqaaqeen.

Safiirka ayaa u warramay weriyaha VOA ee London Ridwaan Xaaji Cabdi Weli.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Safiirka Soomaaliya ee Kenya