Weerar Hoobiye oo Dad ku Dhaawacay Muqdisho

Weerar Hoobiye (Sawir Hore)

Tiro hoobiyeyaal ah ayaa maanta xilliga duhurkii ku soo dhacday xaafado ka tirsan degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Hoobiyaashan oo gaaraya ilaa afar hoobiye, sida ay dadka deegaanka sheegeen, ayaa waxa ay ku dhaceen waaxda Jeneraal Daa’uud, waxaana ku dhaawacmay laba ruux oo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale ay jiraan hoobiyeyaal ku dhacay xero ay degan dadka barakacayaasha ah.

Mid ka mida dadka deegaanka oo ku sugnaa xaafadda ay hoobiyeyaasha ku dhaceen ayaa VOA uga warramay wixii uu arkay.

Your browser doesn’t support HTML5

Hoobiyeyaal ku dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho