Muqdisho: 22 Qof oo Ku Dhimatay Qaraxa SYL

Qarax Muqdisho

Ugu yaraan 22 qof ayaa ku dhimatay in ka badan 30 kalena wey ku dhaawacmeen qarax xooggan maanta lala beegsaday hotelka SYL ee magaalada Muqdisho oo kasoo horjeedaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo derbiga hotelka lagu dhuftay.

Agaasimaha Baabuurta Gurmadka deg degga ee Aamin ee magaalada Muqdisho Dr C/qaadir C/raxmaan Xaaji Aadam ayaa u xaqiijiyay VOAda in ay qaadeen 22 qof ku dhintay qaraxa, oo lix ka mid ah ay ahaayeen dumar, iyo 30 qof oo kale oo dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba waxa la geeyay Cusbital ka Madina iyo Dar-Al-Shifa.

Shirar kala duwan ayaa ka socday Hotel ka markii weerarkaasi lala beegsaday, waxaana ku sugnaa masuuliyiin xukuumada iyo Baarlamaankaba ka tirsan oo qaar kood dhaawacyo fudud ay soo gaaren.

Waxaa dadkaasi mid ah Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Dakadaha iyo Gaadiidka Badda, Nuur Faarax Xirsi, iyo Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali Xaga oo xilliga qaraxa hotelka ku sugnaa.