Somaliland: Hal Milyan Oo Qof oo Dalbaday Aqoonsi

Saxiixa Codsiga Aqoonsiga Somaliland

Magaalada Hargeysa waxaa lagu soo bandhigay saxeex ay in ka badan hal million oo qof ku dalbanayaan aqoonsiga Somaliland.

Ururinta saxeexyadan oo tan iyo bishii afaraad ee sanadkan ka socotay dhamaan gobollada ay Somaliland ka kooban tahay, ayay daahfurkeeda ka soo qayb galeen madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo iyo hogaanka xisbiyada siyaasada.

Wasiirk arimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo Wariyaha VOA ee Hargeysa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac u waramay ayaa sheegay inay natiijada saxiisan la wadaagayaan Qaramada Midoobay, urur goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland