Bandhigga Buugaagta oo Hargeysa ka Socda

Hareeri

Iyadoo bandhiga Caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa uu maalintiisii shanaad ka socdo magaalada Hargeysa ayaa lagu soo bandhigay buugaag hore oo ay alifeen ashkhaas ku caan baxay qoraalka iyo kuwo ay curiyeen dhallinyaro ku cusub hal abuurka qoraalka.

Waxaa buugaagtaasi ka mid ah buug uu 46 sano ka hor uu alifay qoraaga weyn ee Soomaaliyeed ee Nuradiin Faarax, kaasi oo uu luuqada Af-Soomaaliga ku turjumay Wariye Cabdisalaam Hereri, islamarkaana uu ku soo bandhigay madashii buugaagta.

Buugan oo loo yaqaan Feedh Qaloocan islamarkaana dood xiise badan ka dhaliyey madasha ayaa wariyaha VOA ee Hargeysa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac uu Hereeri ka waraystay buugan, waxaana uu ugu horeyn weydiiyay waxa ku dhaliyay inuu dib u turjumo 46 sano kadib.

Your browser doesn’t support HTML5

Bandhigga Buugaagta Hargeysa