Saameynta Afganbigi Turkiga Ku Yeeshay Ardayda Soomaalida

Turkey Military Coup

Dowlada Turkiga ayaa albaabada isugu dhifatay in ka badan 2,000 oo xarumood oo lala xiriirinayo inuu lahaa Imam Fatxullah Guleen oo ah wadaad ay dowlada ku eedeeysay inuu ka danbeeyey afganbigi dhicisoobay ee 15-ki July ka dhacay Turkiga.

Hadal lagu qoray wargeys rasmi ah oo ay dowlada leedahay ayaa lagu sheegay in booliska ay xireen xarumo isugu jira, Jaamacado, Guryaha ay dagaan ardayda, hoteelo, goobo caafimaad, iyo xarumo hey’ado samafal kuwaas oo hoos tageyey Ururka wadaadka.

Hadaba qeyb ka mid ah guryaha ardayda iyo goobaha waxbarasho ee la xiray ayaa waxaa wax ka baraneyey qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Turkiga.

Warbixin arrintaan ku saabsan waxaa inoogaga diyaariyey wariyaheen Nur Hassan Nur Bukhaari.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso: Warbixinta saameynta jaamacadaha ay Dowlada Turkiga xirtay ku yeelatay ardayda Soomaalida