Malala Yousafsai Oo Booqatay Dhadhaab

malala

Malala Yousafzai oo ah gabar da’yar ah oo u dhaq-dhaqaaqda waxbarashada hablaha ayaa maanta booqatay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

Booqashada Malala ee Xeryaha Dhadhaab oo ah xeryo qaxooti kuwa ugu weyn caalamka ayey ku sheegtay sidii ay indhaha caalamka ugu soo jeedin laheyd dhibaatada heysta qaxootiga, waliba xilli ay dhawaan dowlada Kenya sheegtay in ay xireyso xeryahaasi.

Sanadki 2014 ayey Malala ku guuleysatay abaalmarinta caalamiga ah ee Nopel Peace Prize kadib marki ay maleeshiyada Taliban madaxa ka toogteen sanadki 2012 xilli ay kasoo laabaneysay iskuulka. Dhaawacaas wuxuu usoo gaaray kadib marki ay aad ugu ololeysay waxbarashada gabdhaha.

Malala ayaa intii ay ku sugnayd xeryaha qaxootiga ee dhadhaab waxay kulamo kala duwan la qaadatay gabdhaha da'da yar iyo ururrada haweenka iyada oo ku boorisay dardargelinta waxbarashada gabdhaha.

Axmed Nuur Yogol wuxuu ka mid ahaa saxafiyiintii ka qaybgashay kulamada Malala, Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa khadka telefoonka ku waraystay.

Your browser doesn’t support HTML5

Malala oo booqatay Dhadhaab