Dadka Gedo oo Ka Cabanaya Duqeymo

Ciidamada Kenya oo la eedeeyey

Odayaasha iyo dadka ku nool Gobbolka Gedo, gaar ahaana deegaanada ku yaalla xadka ee nawaaxiga Degmada Ceelwaaq ayaa cabasho xooggan ka muujinaya duqeyn la sheegay in diyaaradaha Kenya ay u geysanayaan deegaano ay ku nool yihiin da rayid ah.

Duqeyntii u danbeysay waxaa ku dhintay afar caruur ah iyo qof haween ah, waxayna ka dhacday meel u dhow Ceelwaaq.

Maxamed Xuseen Faarax iyo qaar kale oo kamid ah dadka ku nool deegaanadaasi ayaa Wariyaha VOA ee Jubbooyinka Khadar Maxamuud Xareed uga warramay cabashadooda.

Your browser doesn’t support HTML5

Dadka Gedo oo cabanaya