Burci oo ku Dhintay Weerarkii Naasa-Hablood

Burci Xamza

Burci Maxamed Xamza, oo ahaa wasiiru-dowlaha arrimaha deegaanka ee xafiska Ra'iisul-wasaaraha Somalia ayaa ku dhintay weerarkii lagu qaaday shalay hotel Naasa Hablood ee magaalada Muqdisho.

Burci oo sidoo kale ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa maydkiisa laga soo saaray burburkii hotel Naasa Hablood.

Tirada dadkii dadkii ku dhintay weerarkaasi ayaa gaartay 20 qof, halka in kabadan 40 kalena ay ku dhaawcmeen.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi ay iyagu ka danbeeyeen

Dhageyso warbixinta weerarkaasi.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixin: Weerarkii Hotel Naasa-Hablood

Dhageyso wareysiga Danjire Cali Fiqi oo ka hadlaya taariikhdii Wasiir Burci Xamza.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Taariikhdii Burci Xamza