Wareysi: Aftida Britian iyo Saamaynteeda Dhaqaale

Dadweynaha Britain waxay u dareerayaan goobaha codbixinta si ay u dhiibtaan codkooda isla markaana go'aan uga gaadhaan in Britain ay ka sii mid ahaato Midawga Yurub iyo inkale. In ka badan 1,200 oo ka tirsan hogaamiyeyaasha shirkadaha waaweyn ee ganacsiga ee Britain ayaa ka digaya, hadii Britian ay ka baxdo Midowga Yurub inay dhacayso hubaal la'aan dhinaca shaqooyinga iyo baayac mushtarka ah.

Warqad furan oo ay hogaamiyeyaashan ku qoreen wargeyska Times ayey kaga hadleen fursadaha dhaqaale ee Britain ugu jira ka sii mid ahaanshaha Midowga Yurub.

Ganacsatada UK iyo Yurub ka shaqaysata waxaa ka mida Cabdirashiid Maxamed Siciid Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil.

Ismaaciil Xuseen Farjar ayuu khadka telefoonka ugu waramay isagoo ku sugan London

Your browser doesn’t support HTML5

Aftida Britain