Puntland: 43 al-Shabab ah oo Dil Lagu Xukumay

Maxaabiista al-Shabaab ee Puntland ku Qabatay Dagaalka Nugaal

Maamulka Puntland ayaa sheegay in 43 ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabab lagu xukumay dil toogashao ah kuwaasi oo lagu soo qabtay dagaalladii Garacad iyo togga Suuj ee bishii Maarso ee sannadkan dhacay.

Maxkamad ku taalla magaalada Garoowe oo muddo saddex maalmood ah u fadhiday dhagaysiga dacwadda ka dhanka ah raggaasi ayaa sheegtay in dilkooda loo cuskaday falalka argagxisada ah iyo weerarka ay maleeshiyada Al-Shabab kusoo qaadday Puntland.

Isla maxkamadda ayaa shegetay in 2 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabab xukunkooda dib loo dhigay iyada oo sida maxkamaddu sheegtay loo arkay inaysan weli qaangaarin.

Bishii Maarso ee sannadkan ayaa Al-Shabab ay weerar ku qaadeen Puntland iyagoo adeegsanaya doonyo.

Maamullada Puntland iyo Galmudug oo dagaal kula galay ciidamadaas degaano kala duwan ayaa sheegay inay dileen boqollaal maleehsiyaadka Al-Shabab ah kuwo kale oo badanna ay qabteen.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso xukunka al-Shabab