Wariye Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Sagal Salaad Osman

Alle ha u naxariistee waxaa galabta magaalada Muqdisho lagu dilay Sagal Salaad Cismaan oo ahayd gabadh weriye ah oo u shaqaynaysay warbaahinta dawladda Soomaaliya, waxaana toogtay koox dablay ah xilli ay ku sugnayd Jaamacad ay wax ka baranaysay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska iyo eheladii ay ka geeriyootay marxuumad weriye Sagal Salaad Cusmaan.

Sidoo kale ururka saxafiyiinta Soomaaliya ee NUSOJ ayaa cambaareyey dilka gabadhan saxafiyadda ah loo geystay.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Geerida Wariyaha