Real Madrid oo Qaadday Horyaalka Yurub

Kooxda Real Madrid ayaa markii 11aad ku guulaystay horyaalka Yurub, ka dib markii ay ka badisay kooxda Atletico Madrid oo ay ku kulmeen ciyaartii kama dambaysta ahayd oo ka dhacday magaalada Milan ee Talyaaniga.

Labada kooxood ayaa ku kala baxay Gool-ku-laadka tooska ah amma Rigoorayaasha, iyada oo natiijadu ay noqotay(3 iyo 5) sidaasi oo ay guushu ku raacday Real Madrid.

Labada kooxood ayay dhex martay ciyaar adag oo ay isku mari waayeen qaybihii hore ee ciyaarta oo ku dhamaaday bar bar dhac ha iyo hal ah, taasi oo keentay in wakhti dheeraad ah lagu daro.