Xabbad Joojin ka Dhaqangashay Beledweyne

Xabbad-joojin ayaa la kala dhex-dhigay laba maleeshiyo beeleed oo maalmahan dagaallo ay ku dhexmarayeenn gudaha Magaalada Beledweyne ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaalladan ayaa sababay dhimashada in kadaban 10 qof.

Qaar kamid ah beelaha degan magaalada iyo ciidamada Djibouti ayaa ku guuleystay inay labada dhinac xabbad-joojin dhexdhigaan.

Guddoomiyaha degmada Beledweyne Maxamed Macallin Cismaan ayaa weriyaha VOA ee Hiiraan uga warramay xabbad-joojinta.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi Xabbad-joojinta Dagaalka Beledwyne