Xaaladda Caruur Isku Dhagan oo Boston la Keenay

Magaalada Boston ee dalkan Maraykanka waxaa toddobaadkna la keenay laba caruur ah oo mataano ah oo Soomaali ah oo dhashay iyagoo isku dhagan.

Caruurtan ayaa Maraykanka loo keenay si qaliin loogu sameeyo. Cabdicasiis Maaxey oo madax u ah hay'adda (Some Care) ayaa VOA u sheegay in ay Sabtidii keeneen labadan gabdhood oo iyagu ku dhashay magaalda Muqdisho.

Gabdhana oo jira 2 sano iyo dhawr bilood ayaa imika ku jira cusbitaal ku yaala magalada Boston.

Sahra Ciidle Nuur ayaa xaaladda caruurtan ka wareystay Cabdicasiis Maaxaay.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Xaaladda Caruur Mataano ah oo isku dhagan oo Boston la Keenay