Somaliland oo Maanta Xustay Munaasabadda 18-ka May

Xuska 18-ka May

Magaalada Hargeysa iyo guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland waxaa maanta laga oogay, munaasabadda 25 Guurada Xuska 18-ka May oo ah maalintii ay Somaliland sheegatay inay gooni isaga taagtay Soomaaliya inteeda kale.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa munaasabad lagu qabtay hargeysa khudbad ka jeediyay, isagoo ku celceliyay in Somaliland aysan marnaba ku noqon doonin wuxuu ugu yeeray “Midowgii Soomaaliya ee lagu hungoobay”.

Siilaanyo ayaa sheegay in Somaliland ay iminka gaartay guulo waa weyn oo ilowsiiyey “31-kii sano ee ay ka mid ahayd Soomaaliya”.

Wariyeheenna Hargeysa Cabdixakim Maxamud Shirwac ayaa warbixintan inoo soo diray.

Your browser doesn’t support HTML5

Somaliland oo xustay 18-ka May