Al-Shabaab oo Weeraray Saldhigyada Ciidamada Dowladda Iyo Ethiopia

Shabaab

Maleeshiyaadka Al-Sshabab ayaa lagu soo warramayaa in ay xaley weerareen saldhigyo ay ciidamada dowlada iyo kuwa Ethiopia ee AMISOM ku leeyihiin magaalada Halagn ee gobolka Hiiraan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dad rayid ah ay waxyeeleysey rasaas la sheegey in weerarkaas la isku weydaarsadey, balse ma jirto warar sugan oo xaqiijinaya arrintan.

Gudoomiyaha degmada Halgan Guhaad Cabdi Warsame, ayaa sheegay in weerarku ahaa mid kooban oo dhowr daqiiqo un socday, kooxdii weerarka soo qaadayna ay carareen..

Falastiin Axmed Iiman ayaa weerarka wax ka qeydiisay gudoomiyaha degmada Halgan Guhaad Cabdi Warsame.

Your browser doesn’t support HTML5

Al-Shabaab oo weerar saldhig