Somalia Oo Ka Digtay Go'aanka Kenya Ee Qaxootiga

Cabdisalaam Hadliye, Wasiirka Arrimaha Dibedda

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dhibaato ka dhalan karto haddii Kenya ay ku dhaqaaqdo go’aanka ay ku xirayso xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya halkaas oo hoy u ah kumannaan Soomaali ah.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somalia, C/salaam Hadliye Cumar ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin sheegashada Kenya ee ah in xeryuhu ay noqdeen meel argagixisadu ay ku gabbato.

Wasiir Hadliye wuxuu sheegay in Kenya ay mas’uul ka noqon doonto haddii dhalinta ama caruurta xeryaha laga soo celinayo ay u gacan galaan ururka al-Shabaab.

Your browser doesn’t support HTML5

Wasiirka Arrimaha Debedda Soomaaliya