Somaliya oo ka Qaybgashay Carwo Caalami ah

Carwada Ganacsiga ee Antalya, Turkey

Magaalada Antaliya ee dalka Turkiga waxaa ka furmay Bardhig-Ganacsiyeed Caalami ah oo ay ka soo qaybgaleen in ka badan 50 dawladood. Carwadan waxaa furay Madaxweynaha dalka Turkiga Rajeb Tayyip Erdogan.

Dawladaha ka qayb galay waxaa ka mida dalka Somaliya, waxaana halkaas ku sugan wefti uu horkacayo Wasiirka Ganacsiga iyo Wershedaha ee Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed.

Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa khadka telefoonka ku waraystay.

Your browser doesn’t support HTML5

Carwada Ganacsi ee Antalya, Turkey