Ciidanka Dowladda Oo Qabsaday Deegaano

Ciidamada Dowladda

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Itoobiya ayaa la wareegay laba tuulo oo hoos yimaado deegaanada dhinaca bari ka xiga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Dowlada Somalia ayaa sheegatey inay dileen Konton iyo Sideed ka tirsan Malayshiyada Al-Shabaab iyadoo sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen 10 kale, sida uu sheegay taliyaha ciidamada dowlada ee Aaga Bariga Galgaduud Ahmed Maxamed Tareedisho,

Taliyaha waxa uu sheegay in ciidamada dowladda dagaalka loo dhaawacay afar askari. Ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara sheegashooyinkiisa.

Sahra Cabdi Axmed ayaa khadka taleefonka ku wareysatay taliyaha ciidamada dowlada ee Aaga Bariga Galgaduud Ahmed Maxamed Treedisho.

Your browser doesn’t support HTML5

Ciidamada dowladda oo qabsaday deegaano