Jubbaland: 29 Qof Ayaa u Dhintay Abaaro

Abaaro ka jira Jubbaland

Maamulka Jubbaland ayaa maanta sheegay in 29 qof ay oon iyo harraad ugu geeriyoodeen deegaanno ka tirsan Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa maanta sheegay in 29 qof ay oon iyo harraad ugu geeriyoodeen deegaanno ka tirsan gobollada Jubbada dhexe, Gedo iyo Jubbada Hoose.

Wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish oo la hadlay VOA ayaa sheegay in deegaanada ay dadkan ku dhinteen ay ka jiraan abaaro xooggan oo saameeyey dad iyo duunyaba.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dad aad u badan oo abaarta ka cararaya ay usoo qaxeen magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa ku baaqay in gargaar deg deg ah lala soo gaaro deegaanada ay dhibaatooyinka ka jiraan.

Weriyaheena Khadar Maxamuud Xareed ayaa wareystay wasiirka.

Your browser doesn’t support HTML5

Abaaro ka jira Jubbooyinka