Musharaxiinta Doorashada Jabuuti oo la Shaaciyey

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo shan musharax oo kale ayaa ku tartami doona doorashada dalka Jabuuti.

Dowladda Djibouti ayaa maanta ku dhawaaqday lixda murashax ee codsiyadooda la ogolaaday ee u ordi doona doorashada madaxtinimada dalkaasi.

Lixdan murashax ayaa waxaa ansixiyay golaha dastuurka ee dalka Jabuuti.

Lixdan musharax ayaa kala ah madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Jaamac Cabdiraxmaan Jaamac, Xasan Idiris Axmed, Maxamed Daa’uud Shaxim, Maxamed Muuse Cali, Cumar Cilmi Kheyre.

Wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti Xasan Cumar Maxamed, ayaa musharaxiinta la ansixiyey uga warramay weriyaheenna Ramadaan Muuse.

Your browser doesn’t support HTML5

Musharaxiinta Jabuuti