Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Baabuur oo ka Dhacay Ankara


Qarax xooggan ayaa ka dhacay fagaaraha ugu weyn caasimadda Turkey ee Ankara, waxaana ku dhintay 27 qof, halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacantay.

Saraakiisha ayaa sheegay in qaraxu ka dhacay fagaaraha Kizilay, oo ah ay ku yaallan tukaamo iyo xarun gaadiidka laga raaco. Fagaarahan waxaa u dhow safaaradaha dalalka ajanabiga ah.

TV-ga NTV ayaa sheegay in baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxay uu ku qarxay meel bus u dhow. Dhowr baabruur ayaa dab qabsaday waxaana muuqaallada TV-ga laga arkayay dhowr baabuur oo waxyeello gaartay.

Qaraxan ayaa dhacay bil wax ka yar markii qarax baabuur uu ka dhacay Ankara oo ay ku dhinteen 29 qof.

Dowladda Turkey ayaa sheegtay in qaraxaasi hore uu fuliyay nin Syria u dhashay oo xiriir la leh koox Kurdi ah. T

XS
SM
MD
LG