Ciidamada DFS: Waxaan Dilnay 8 Shabaab Ah

Maleeshiyada Al-Shabaab

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay Shabaabkan ku dileen howlgallo ay ka sameeyeen tuulooyin iyo deegaanno ku yaalla gobolka Bakoo

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ay ka sameeyeen tuulooyin iyo deegaanno ku yaalla gobolka Bakool waxa ay sheegeen inay ku dileen sideed ka mid ah maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya waxa ay sidoo kale qirteen in dhinacooda uu hal askari kaga dhintay dagaalka.

Ma jirta cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada ciidamada dowladda Soomaaliya, mana jiro war kasoo baxay kooxda Al-Shabaab.

Wariyeheenna Maxamed Colaad Xasan ayaa dagaaladan ka wareystay Taliyaha Guutada Sideedaad ee ciidanka Dowladda Soomaaliya ee ka howlgasha Gobolka Bakool, Gaashaanle Sare Maxamed Cabdi Dille oo uu kula xiriiray khadka taleefanka.

Your browser doesn’t support HTML5

Dagaal ka dhacay Bakool