10 Qof oo ku Dhintay Dagaalka Dhuusomareeb

Dagaal Culus oo Dhuuse-mareeb ka Dhacay

Dagaalladan ayaa u dhexeeya maamulka Ahlu Sunna ee gacanta ku haya magaalada iyo nin sarkaal ah oo hore u sheegay inuu kasoo goostay ciidamada Soomaaliya.

Ugu yaraan 10 qof ayaa dhimatay ku dhowaad 30 qof oo kalena way ku dhaawacmeen dagaallo culus oo xalay illaa maanta ka dhacay magaalada Dhuusamareeb.

Dagaalladan ayaa u dhexeeya maamulka Ahlu Sunna ee gacanta ku haya magaalada iyo nin sarkaal ah oo hore u sheegay inuu kasoo goostay ciidamada Soomaaliya.

Mid ka mid ah mas’uuliyiinta caafimaadka ee gobolka ayaa VOA u sheegay in lasoo gaarsiiyey dhaawacyo badan oo ay ku jirana kuwo xaaladdoodu halis ku jirto.

Goobjoogayaal magacooda qariyey ayaa idaacadda VOA u sheegay in maydad badan ay ku arkeen gudaha magaalada oo si xoggan loogu dagaalamay.

Ururka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ee gacanta ku haya magaalada xilligan ayaa ku eedeeyey maamulka Galmudug iyo dawladda Soomaaliya inay ciidankoodu weerarka soo qaadeen.

Af-hayeenka maamulka oo ku billaabaya magaciisa ayaa weriyaheena Ismaaciil Xuseen Farjar uga warramay sida ay wax u dhaceen.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Afhayeenka Ahlu-Sunna

Maamulka Galmudug ayaa iska fogeeyay ku lug lahaanshaha dagaalka Dhuusamareeb. Wariyeheenna Maxamed Cabdi Xassan ayaa khadka taleefanka kula xiriiray Wasiir ku xigeenka Amniga ee Galmudug, Cali Cabdullahi Warsame, Galawac, wuxuuna ugu horeyn weydiiyay cidda ay dagaaladan u dhaxeeyaan.

Your browser doesn’t support HTML5

Jawaabta Galmudug