Waaxyaha Ammaanka oo ka Baaqdey Inay Baarlamaanka Hortagaan

Baarlamaanka

Kulan ay maanta yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, ayaa maanta ku dhamaaday buuq, ka dib markii xildhibaanada qaar ay is hortageen ajendayaal cusub oo baarlamanka la hor geeyay, iyagoo dalbaday in ajenda cusub aan baarlamanka la hor keenin ilaa kuwii hore laga xalinayo oo uu ka mid ahaa xasaanadda mudanayaasha baarlamanka.

Dhinaca kale, wasiirka Amniga iyo taliyaha nabadsugida oo lagu waday inay hor-tagaan Baarlamaanka ayaa ka baaqday.

Wariyeheenna Muqdisho Xassan Kaafi Cabdiraxmaan Qoyste ayaa warbixintan inoo soo diray.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Warbixinta Fadhiga Baarlamnka