Kismaayo: Qarax lala Rabay Wasiir oo la fashiliyey

Kismaayo

Miinada ayaa waxaa lagu xidhay Gaariga Wasiirka arrimaha Bulshada Maamulka Jubbaland Maxamed Ibraahim Maxamed.

Ciidamada amaanka Magaalada Kismaayo ayaa galabta fashiliyey qarax miino oo lagu xidhay Gaariga Wasiirka arrimaha Bulshada Maamulka Jubbaland Maxamed Ibraahim Maxamed.

Ciidamada amaanka ayaa markii ay qaraxa fashiliyeen kadib waxay sheegeen inay xabsiga u taxaabeen labo askari oo ka tirsan Ciidamada Maamulka Jubbaland kuwaasoo lagu tuhunsan yahay in Qaraxa ay gaariga ku xireen.

Waxaa saacado kooban hawada laga saaray Isgaarsiinta magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in Gaariga Qarax lagu xiray xili wasiirka uu ku sugnaa Gurigiisa.

Hadaba Wasiirka arrimaha Bulshada Maxamed Ibraahim Maxamed ayaa si kooban Wariyaha VOA ee Kismaayo Khadar Maxamuud Xareed uga warramay qaabka ay ku ogaadeen in gaariga Qarax lagu xidhay.

Your browser doesn’t support HTML5

Kismaayo: Qarax la fashiliyey