Saalax Sabdow Oo Dhaawacii U Dhintay

Mandera, Kenya

Saalax Sabdow ayaa ku dhaawacmay bas ay Al-Shabaab ku weerareen Mandheera, isagoo isku dayaya inuu bad-baadiyo dad kiristaan ah.

Saalax Sabdow Faarax oo ka mid ahaa rakaabkii saarnaa bas ay bil ka hor soo weerareen maleeshyada ururka Al-Shabab isaga oo marayey meel u dhaxaysay Mandheera iyo Ceel-Waaq, ayaa u geeriyooday dhaawac soo gaaray.

Saalax Sabdow Faarax, ayaa waxa uu dhaawacmay isaga oo isku dayayay inuu badbaaidyo dadkii kiristaanka ahaa ee la socday baskaasi.

Geerida Saalax Sabdow Faarax ayaa weriyaheena Xuseen Barre Aadan, waxa uu ka waraystay Ismaaciil Sabdow Faarax oo ay walaalo yihiin.

Your browser doesn’t support HTML5

Saalax Sabdow Oo Geeriyooday