CAF oo Abaalmarin Guddoonsiisay C/qani S. Carab

Cabdiqani oo abaalmarinta ka guddoomaya Ciise Xayaatu

Xiririka kubadda cagta Afrika ee loo so gaabiyo CAF, ayaa abaal-marinta hoggaamiyaha kubadda cagta ee Afrika sanadkii dhammaaday ee 2015 u aqoonsaday Cabdiqani Saciid Carab oo ah guddoomiyaha xiririka kubadda Cagta Soomaaliya ahna ku xigeenka madaxweynaha xirirka kubadda cagta bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA.

Xafladda abaalmarinta oo ka dhacday magaalada Abuja, Neyjeriya ayaa waxa Cabdiqani Carab guddoonsiiyay billadda, guddoomiyaha CAF ahna sii haya xilka madaxweynanimo ee xiriirka kubadda Cagta aduunka FIFA ee Ciisa Xayatu.

Jamal Axmed Cismaan ayaa qadka telefoonka kula xiririey Cabdiqani Saciid Carab xilli uu ku sugnaa Nayroobi, Kenya, waxana uu weydiiyay bal waxa uu ku muteystay abaalmarinta ee uu helay iyo waxay Soomaaliya kaga dhigan tahay abaalmarintaasi.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Wareysiga Gud. Carab