Faaqidaadda: Weerardii Paris & Saameyntooda

Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxaan ku eegeyaa saameynta weeraradan ay ku yeelan karaan Muslimiinta Yurub.

Weeraradii 14-kii November lagu qaaday magaalada Paris ee dalka France waxaa lagu dilay 129 qof, waxaana sidoo kale lagu dhaawacay 350 qof. Waxaa jira warar sheegaya in mid ka mid ah dadka weerarka fuliyey uu ahaa qof Suuriyaan ahaa oo qaxooti ahaan ku yimid Yurub.

Haddaba barnaamijka faaqidaadda toddobaadka waxaan ku eegeyaa saameynta weeraradan ay ku yeelan karaan Muslimiinta Yurub. Waxaa soo jeedineysa Sahra Cabdi Axmed.

Your browser doesn’t support HTML5

Faaqidaadda Toddobaadka